Soo Barbaar- Growth Mindset Workshop- Hooyooyinka
Advertisement
Kusoo dhowow workshop loogu talo galay hooyooyinka. Waxan ku qalab qaadanaynaa safarka Waalidnimada Hab- fikirka lagu magacaabo ”Growth Mindset”, oo ah Maskaxda koritaankeeda. Hab- fikirkan wuxu ku salleysanyahay in aad awood u leedahay riyooyinkaada inaad ku gaaraysit dadaal, shaqo adag, iyo inaad quusanin markaad guuldarraysato. Waxaad aaminaysaa in maskaxda Ilaahay ku siiyay aad dib u tababari karto in mar walba guuldarraysiga iyo caqabaha nolosha aad ka dhigato fursad aad kaga barato. Markaan Hab- fikirkan qaadanno, Jiilka nagu xiga dhaxal ayay u noqoneysaa markaas bulshadeena waxay noqonaysaa Bulsho maskax furan oona la jaan qaadi karto bulshadaha kale bi’idnillaah!
Advertisement